Nagu Saabsan

Kusoo dhawaaw .SO Waa furaha astaanta internet ee uu dalku lee yahay (ccTLD)

SONIC- waa Xarunta Maamulka Furaha Internetka Qaranka waxa ay magacyada website-yada ku diiwaan gelisaa furaha Internet-ka Qaranka Soomaaliyeed ee .SO waxa ay sidoo kale gacanta ku heysaa saldhigga lagu keydiyo xogaha ku diiwaan gashan furaha internet-ka Qaran.

SONIC wax ay masuul ka tahay maamulka barta laga hago furaha internet-ka Qaranka si furaha Internet-ka Qaranka oo ah hanti qaran loogu adeego danta umadda Soomaaliyeed.

.SO waa furaha Internetka Qaranka Soomaaliyeed kadib muddo uu hawada ka maqnaa waxaa dib u furay 1-dii bishii Nofeember ee sanadkii 2010-kii shirkad kamid ah wakiilada .SO, waxaana maamula wasaaradda boostada isgaarsiinta iyo tiknoolojiyadda Soomaaliya. Waxaa lagu howlgeliyay wakiillo ka kala shaqeeya dalka iyo daafaha caalamka.

Wixii ka danbeeyay bishii Maarso ee sanadkii 2018, SONICwaxaa maamulayay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliyeed oo qaabilsan maamulka suuqa isgaarsiinta.

Hannaanka
Maareynta, howlgelinta iyo horumarinta furaha internet-ka qaranka iyadoo la joogteynayo lana horumarinayo ka faaiideysiga furaha .SO si loo hubiya sida la iskugu halleyn karo ammaanka kaabayaasha keydka ciwaanada la diiwaan geliyay iyo sidoo kale in la heli karo magacyada la diiwaan geliyay.
Hanka
In ay SONIC noqota mid kamid ah hay’adaha ugu wanaagsan uguna sumcadda badan ee diiwaan geliya furayaasha internet-ka.

Howlaha

SONIC waxaa ay qabataa

  1. Waa in loo hogaansamaa hababka ugu wanaagsan caalamka ee loo maamulo diiwaangelinta furaha internet-ka Qaranka.
  2. In uu noqdo furaha Internetka xiriir maamul iyo mid farsamo
  3. Maareynta Furaha .SO iyo furayaasha heerka labaad.
  4. In sare la sare loo qaado wacyiga dadweynaha ee ku aadan faaiidooyinka dhaqaale ee uu leeyahay iska diiwaan gelinta furaha internet-ka qaranka.
  5. Faafinta habraacyo ku aadan shuruudaha habka loo maro iska diiwaangelinta furaha internet-ka Qaranka
  6. In lagu matalo .SO guud ahaan fagaarayaasha caalamiga ah.
  7. In loo hogaansamo shuruucda ICANN ee lagu maamulo furayaasha caalamiga ah ee Internetka.
Dir fariin